#Shimbirta aduunka ugu halista badan oo ku nooleyd Magaladda Gainesville ayaa dishay ninkii lahaa

19,415

Shirta aduunka ugu halista badan ee lugaha ku leh cidiyo waawayn ayaa dishay ninkii lahaa, sidda ay ku warameyso warbaahinta.

Sheekadaan oo aad ay u hadalhayso warbaahinta ayaa ka dhacday degmada Gainesville, ee gobolka Florida, wadanka Mareykanka.

Dhacdada ayaa ka dambeysay markii mulkiilaha, Marvin Hajos, oo 75-sano jir ah, uu guriga gadaashiisa kusoo dhacay.

Booliska ayuu durba soo garaacay markii ay shimbirtu soo weerartay. Hasayeeshee, wicitaanka labaad qof kale ayaa soo garaacay.

Ruuxa labaad ayaa dalbayay gargaar caafimaad oo deg deg ah. Nasiib daro, markii Boolisku yimid goobta waa uu geeriyooday.

Marvin Hajos, ayaa la sheegay in uu si wacan u xanaaneen jiray shimbirta, inkasta oo dhowr jeer looga digay halisteeda.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More