Shan Qasaaro oo ka dhalan kara kordhinta uu qorsheynayo MURSAL

Baarlamaanka federaalka ayaa maanta ka shiraaya qorshayaal ay ugu kordhinayaan xilka muddo labo sano ah, Madaxweynaha hadda xilka haya Maxamed C / laahi Farmaajo.

Hadii uu Maxamed Mursal qaado talaabada sharci darada ah ee ay Beesha Caalamka horey uga digtay, waxaa imaan doona shan arimood oo qatar ah oo rabshado ka abuuri kara dalka, kuwaas oo kala ah

  1. Dowlad ay ku dhawaaqan Madasha Badbaadada Qaranka, oo ay ku jiraan laba maamul goboleed oo leh muhiimad weyn oo siyaasadeed, oo kala ah Jubaland iyo Puntland, labo madaxweyne oo hore, raiisul wasaare hore, madaxweyne hore iyo isbahaysi musharixiin ah.
  2.  Puntland iyo Jubaland waxay xiriirka u jarikaraan dowladda dhexe ama waxay ku dhawaaqi doonaan madaxbanaani gooni ah inta laysku soo laabanayo, tanina waxay caqabad ku noqon doontaa horumarka dowladnimada Soomaaliya.
  3.  Siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Banaadir ee sida weyn uga soo horjeedda dowladda inay si hufan uga shaqeyso gobolka Banaadir iney hor istaagan, taasoo aakhirka horseedi karta isku dhac hubeysan.
  4. Xiisadaha ismari waaga iyo xasilooni daradda ayaa kusii fidi doonta maamul goboleedyada dowlada taagersan, waxayna kusoo noqon doontaa siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanadaas oo iyagana ugu dambeyn diidi kara dowlada dhexe.
  5. Guud ahaan, dalku wuxuu gali doonaa xaalad qalalaase siyaasadeed ah oo hadda laga gaashaaman karo haddii caqliga fayoobi shaqeeyo.

Abdullahi Mahdi waxaad kala xiriiri kartaa: facebook.com/abdullahi.mahdi

AFEEF: Aragtiyaha ku xusan qodobkaan waa kuwa uu leeyahay qoraaga mana ahan inay ka tarjumayaan aragtida Axadle. Axadle, waa degel u furan qof kasta inuu soo bandhigo ra’yigiisa. U dir qoraaladaada info@axadletimes.com Mahadsanid

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More