#Shaakir Oo Xildhibaano Mucaarad ah Caawa kula kulmay Dhuusamareeb

25,468

Madaxa Xukumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa caawa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo ah Musharax Madaxweynaha Galmudug oo galabta gaaray. Dhuusamareeb iyo Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi. Ayaa caawa Xafiiskiisa ku booqday Sheekh Shaakir. Iyagoo kala hadlay Arrimo ku saabsan xaalada Galmudug.

Labada xildhibaan. Ayaa ka mid ah kuwa sida weyn u mucaaradsan dowlada ay hogaamiyaan Madaxweyne Farmaajo iyo RW Khayre.

Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug ayaa Xildhibaanada ku booriyay in ay ka qeyb qaataan hormarka Galmudug iyo dhismaha Galmudug Cusub oo mideysan.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka socda maalintii 3aad shirkii dib u heshsiisiinta Galmudug oo ay ka qeyb galayaan ergooyin metelaya beelaha degaanadaas kaasoo ugu dambeyn lagu dhisi doono hogaanka cusub ee maamulka Galmudug.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More