Sawirro: Raysal wasaaraha Dalka oo ka qeyb galay Salaadii Janaasada ee Wasiirkii Dhalinyarada & Isboortiga

4

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qeyb galay salaadda Janaasada ee lagu dukaday Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Yuusuf Awlibax oo ahaa Wasiirkii Dhalinyarada iyo Cayaaraha Jubbaland.Salaada Janaasaada ayaa ka dhacday Masjid Shuhaddaa ee Madaxtooyada, waxaana ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda yo Xildhibaanada labada aqal.

Ma’suuliyiintii kaso qayb galay Jinaasada ayaa waxay u duceeyeen marxuumka, waxanay Alle ugu baryeen inuu jannadii fardowso ka waraabiyo, eheladii uu ka tegey iyo ummada Soomaaliyeedna ka siiyo samir iyo Iimaan.

Raysal Wasaaraha ayaa la kulmay qaar kamid ah ehelka marxuumka iyo Wasiiro ka tirsan Jubbaland, isagoo tilmaamay in Awlibaax uu ahaa shaqsi ka baxay qaranka Soomaaliyeed. isla markaana tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed. wuxuna xusay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed C,laahi Farmaajo uu tacsi taa lamid ah u dirayo ehelka marxuumka.

Marxuum Awlibaax oo ku geeriyooday weerarkii Al-shabaab ay ka geysteen shalay saldhigga degmada Waaberi ayaa lagu aasay qabuure ku yaalla Isbitaalka Madiino ee magaalada Muqdisho.

Xaruunta Dhexe ee Shabakadda Axadle Group
Axadle International Monitoring – Africa
Muqdisho Somalia
xanafi02@gmail.com

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More