Sawirro: Qoor Qoor iyo James Swan oo ku kulmay Dhuusomareeb …

Dhuusamareeb (Axadle) – Wafdi ka socda xubnaha beesha caalamka oo uu horkacayo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee magaalada Dhuusamareeb ee Axadle Galmudug.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee Maamulka Galmudug, kuwaasi oo usii galbiyay madaxtooyada Galmudug.

Kadib imaatinka wafdigan ayaa waxaa Madaxtooyada ee magaalada Dhuusamareeb ku kulmay Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor iyo Wafdiga uu hoggaaminayo Amb, James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlat dar-dar gelinta doorashada, ayada oo labada dhinac ay ka wada-hadleen sidii si dhaqso leh loo hirgelin lahaa howlaha doorashada, gaar ahaan mida deegaanada maamulkaas.

Sidoo kale waxaa looga hadlay kulankaan dhibaatada ka dhalatay Ayaxa oo ku habsaday degaano ka tirsan Galmudug iyo Arrimo kale.

Socdaalka Wafdiga ayaa qeyb ka ah u kuur-gelida xaaladaha ka jira gobollada dhexe, gaar ahaan Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Waxaa aad loo adkeeyay amaanka magaalada Dhuusamareeb ee Axadle Galmudug, ayada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka qaar ee magaalada, si loo xoojiyo amniga Axadle oo ay ku sugan yihiin wafdi heer sarre ah.

Si kastaba, Kulankaan ayaa imanaya xili ay haatan Soomaaliya isku diyaarineyso doorasho guud oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha, taas oo heshiis rasmi ah looga gaaray Caasimadda Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More