Sawirro: Pharmajo Kusoo dhawow Uganda – Axadle

Kampala (Axadle) – Madaxweynaha xilka kasii degaya Maxamed C / llahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kampala, wuxuuna ka mid ahaa marti sharaftii lagu casuumay caleema saarka Madaxweynaha la doortay ee Uganda Yoweri Museveni

Magaalada Kambala ee dalka Ugandha ayuu Farmaajo kula qaadan doonaa kulamo duco ah saraakiisha ka qeyb galeysa caleema saarka sida uu sheegay agaasimaha warfaafinta ee madaxweynaha.

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ayaa inta uu joogo magaalada Kampala waxa uu kulamo la qaadan doonaa jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Uganda iyo ardayda wax ka barata dalka Uganda.

Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku wehlinaya Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamaal Maxamed Xasan, Marwada Madaxweynaha Seynab Cabdi Macalin, La Taliyaha Madaxweynaha iyo masuuliyiin kale.

Bishii Janaayo ee sanadkii 2021 ayay ahayd markii Museveni lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadii guud ee dalka, in kasta oo natiijada uu qaadacay hogaamiyaha mucaaradka Bobi Wine.

Si kastaba ha noqotee, Madaxweyne Museveni, oo xukunka afgambi kula wareegay 1986, wuxuu xukunka hayey 35 sano wuxuuna ku guuleystay 58.64% codadkii doorashadii guud ee ugu dambaysay 14 Janaayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More