Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa ku dhacay xaafado ku dhow Villa Somalia iyo dhimasho – Axadle

Muqdisho (Axadle) – Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa caawa ku soo dhacday magaalada Muqdisho gaar ahaan degmooyinka Boondheere iyo Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Illaa afar hoobiye ayaa la sheegay in lagu garaacay degmooyinka Warta Nabadda iyo Boondheere, kuwaasoo lala beegsaday suuqii hore ee Warta Nabadda, safaaraddii hore ee Jarmalka, xarunta Jodka Jilacow, wasaaraddii hore ee caafimaadka iyo guryo kale oo rayid ah.

Warta Nabada, ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen laba ruux, halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacantay. Madfaca ayaa sidoo kale ku dhacay degmada Boondheere oo sababay dhimasho, laakiin wali tiro rasmi ah lama hayo.

Dadka deegaanka ayaa Axadle u xaqiijiyay in mid ka mid ah hoobiyaasha uu ku dhacay xero ay degan yihiin dad barakacayaal ah isla markaana uu sababay dhimasho.

Xaafadaha madaafiicda lagu garaacay ayaa aad ugu dhow madaxtooyada Villa Soomaaliya, mana jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda madaafiicda.

Inta badan weerarada nuucaan oo kale ah waa kuwa loogu talagalay aqoonyahannada looga shakisan yahay Al-Shabaab ee dagaalka kula jira dowladda iyo ciidamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali ka hadlin weerarka, ee kala soco Axadle, Insha Allah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More