#Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Magaalada Doxa

6

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa gaaray magaalada Dooxa ee xarunta Dalka Qatar.

Madxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa berri wada hadallo la yeelanayaa Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani.

Madaxweynaha oo martiqaad ka helay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani ayaa kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar isaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta.

“Booqashada Madaxweynuhu waxay daba socotaa kulamadii hore ee ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Dowladda Qatar, waana mid lagu adkeynayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee labada dal. Qatar waa dal kaalin mug leh ka qaata dib u dhiska Soomaaliya.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uga sii horeeyay Doxa Agaasime kuxigeenka NISA Fahad Yaasiin, waxaana loo arkaa Mr Yaasiin isku xiraha dowladda Soomaaliya iyo Qatar.

Qatar ayaa ah taageeraha ugu weyn ee xilligan dowladda Madaxweyne Farmaajo, waxaa horay u balan-qaaday mashaariicyo, iyadoo taageero dhaqaale u fidisay.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More