#Sawirro: Madaxweynaha cusub ee Putnland oo si heer sare ah Garoowe ugu soo dhaweeyay Wafdigii DF

1

- Advertisement -

Wafdi isugu jiro Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya ayaa maanta goor dambe u duulay Magaalada Garoowe oo lagu qabtay isla maanta doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka maamulka Puntland .

- Advertisement -

Markii ay ka dageen garoonka diyaaradaha Garoowe durbadiiba waxa ay la kulmeyn Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Deni.

Wafdiga oo isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro ayaa waxaa hoggaaminaya wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad,waxaana dhawaan loo diiday inay tagaan Garoowe.

Wafdiga oo aad u Daneynayay inay ka Qeybgallaan Doorashadda Madaxweynaha Puntland ayay Maanta u suurta gashay in ay Garoowe u Duulaan, kadib markii doorashada maamulkaasi maanta qabsoontay oo sidaasi xayiraadii saarneyd lagaga qaaday.

Wafdiga Dowlada dhaxe ayaa hambaliyo ay ka wadeen Madaxda sare ee Dowlada u gudbiyay Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid C/llaahi Deni.

Waxaa la filayaa soo dhaweynta wafdiga Dowlada ee Garowe tagey kadib in ay kulamo la yeshaan Madaxda cusub ee Puntland kuwaas oo maanta la doortay.

Maamulka Puntland ayaa kol sii horeysay soo saaray amar ah in dhamaan masuuliyiinta xukuumada federaalka Saoomaaliya aysan tagi karin inta lagu gudo jiro doorasho, waxa ayna ku micneeyeen in ay kaga hortagayaan faragelin lagu sameeyo doorashada.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More