#Sawirro: Deni oo ka qeyb galay kulanka Golaha Wasiirada Puntland

11

Madaxweynaha dowladda Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 10 January 2019 waxa uu si rasmi ah u Shir guddoomiyey shirka golaha Xukuumadda Puntland.

Madaxweynaha waxaa shirka kala qeyb galay madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ,Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ee Madaxweyne Ku Xigeenkii hore ee Puntland Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey.

Shirka khamiislaha ah ee dowlada Goboleedka Puntland ayaa looga hadlay marxaladda kala guurka ah iyo sidii loo amba-qaadi lahaa Horumarka Puntland ,iyadoona madaxweyne Deni uu bogaadiyay shaqooyinka ay wasaaradaha xukuumadda Puntland qabteen mudadii shanta sano ee lasoo dhaafay.

Waxaa socota qabanqaabada caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Puntland, iyadoo uu si rasmi ah xilka ula wareegi doono soona magacaabi doono gole wasiiro oo cusub oo bedelaya wasiirada hadda shaqeeya.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More