#Sawirro: Axmed Madoobe oo Saaka kormeeray Ciidamo loo diyaariyay Dagaal ka dhan ah Al shabab

1

- Advertisement -

Madaxweyanaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Saaka xili hore kormeeray Xero ay ku xareesanyihiin Ciidamo loo diyaariyaan ay dulaan ku qaaday Magaalooyinka Al shabaab ka maamulka Gobolka Jubadda dhaxe.

- Advertisement -

Axmed Madoobe oo saaka khudbad u jeediyay Ciidamada u diyaar garoobaya howlgalka xoraynta Jubbada Dhexe oo ay kamid yihiin Ciidamadii ka howlgalayay aaga Degmada Afmadow, ayaa sheegay in shaqo wanaagsan ay qabteen Cadowgana ay u diideen in ay deegaanka soo holiyaan Madaxweynahu wuxuu sheegay in ay dadaalkooda iyo shaqada Qaran ee ay qabteen mar walba lagu xusuusan doono.

Wuxuu intaas ku daray in Degmada isbadal lagu samayanayo oo Maamul Ra’yid ah loo samaynayo iyadoo Ciidamadii fadhigoodu uu halkan ahaana ay shaqooyin u tagi doonan meelo kale si ay deeganada kale u xoreeyaan.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Ciidamada Jubbaland oo dhan ay howlgalkan fulinayaan ayna u diyaarsan yihiin iyadoo si wadajir ah loo bilaabaya howlgalo qorshaysan.

Xarun Cusub oo tababar ayuu sheegay in la hirgalinayo inta uu howlgalkan socdo iyadoo dib u habayn iyo qaabayn lagu samayn doono dhamaan Ciidamada Dowlada.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in howlgalka  dhinacyo badan laga fulin doono sida deegamada Xeebaha ku teedsan iyo Gobolka Jubbada Dhexe oo kol dhow gacanta soo gali doona.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More