#Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Somaliland oo dhagax lagu dilay

3,711

Keyse Maxamed Cawaale oo ahaa sarkaal ka tirsan Booliska Somaliland ee Gobolka Togdheer ayaa dhagax lagu dilay halka labo Askari oo kalena la dhaawacay.

Falkan ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka Fiqi Ayuub ee Waqooyiga Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.

Ilaa hadda lama sheegin cidda dishay sarkaalkaas,waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in koox aan la aqoonsan ay falkaasi geysteen.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in halkaas ay ku suganyihiin sharikado macdan ka baarta kuwaas oo ay dhowr jeer isku dhaceen dadka degaanka kaddibna lagu dacweeyay Booliska Gobolka Togdheer.

Maamulka Gobolka Togdheer wali kama hadli arrintan ku cusub gobolka ee sababtay dhimashada sarkaalka Booliska ah iyo dhaawaca labada kale.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More