#Sarakiil ka Soocota golaha milatariga KMG ee Sudan oo ka degay Addis Ababa

1,584

Xubno kamida ah Golaha Milatariga ku meel gaarka ah ee la wareegay talada wadanka Suudaan ayaa maanta oo Isniin ah gaarey caasimada dalka aan badda lahayn ee Itoobiya.

Wafdigaan waxaa horkacayay Jalal al-Din al-Tayeb oo ah ku xigeenka agaasimaha guud ee hay’adda sirdoonka Suudaan.

Hirut Zemene, wasiiru dowlaha arrimaha dibada Itoobiya, ayaa wafdiga kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Addis Ababa.

Sidda laga soo xigtay warbaahinta, Jalal ayaa sheegay in socdaalkoodu daaran yahay xaqiijinta in ay doonayaan nabad iyo xasilooni.

Jalal ayaa intaasi raaciyay in Golahooda uu raadinayo taageero uu ka helo caalamka si ay uga mira dhaliyaan hadafkooda.

Beesha Caalamka gaar ahaan Midowga Afrika iyo IGAD ayuu ku tartarsiiyay in ay kaalin ka qaataan hir-gelinta riyadda shacabka Suudaan.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibada Itoobiya ayaa shaacisay in dalkeeda uu garab taagan yahay Golahaan, isla markaana uu kala shaqaynayo arrimahaasi.

Dhanka kale, ra’iisul wasaare Abiy Axmed, oo socdaalka wafdigaan kahor war soo saarey, ayaa ku booriyay Golaha iyo Shacabka in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan in Suudaan ay ka dhalato dowlad dimoqraadi ah.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More