#Sanbaloolshe: Dalka laguma maamuli karo siyaasad isqarxin ah sida xafiiska isqarxinta ee Al-Shabaab

1

- Advertisement -

Taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugiida iyo sirdoonka qaranka Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa ka hor-yimid go’aankii ay dowladda Soomaaliya dalka uga cayrisay wakiilka QM ee Soomaaliya, Nicholas Haysom.

- Advertisement -

Warqad qoraal ah oo kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ku wargelisay Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay in aan wadanka laga rabin, kana shaqayn karin Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Nicholas Haysom.

Sanbaloolshe ayaa sheegay in go’aanka uu yahay ismiidaamin siyaasadeed oo la mid ah mida is-qarxinta ee Al-Shabaab.

“Dalka laguma maamuli karo siyaasad isqarxin ah sida xafiiska isqarxinta ee Al-Shabaab” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay facebook.

“Cawa Mogadishu warka ka imanayaa ayaa sheegaya in dalka laga eryay wakiilka Qaramada Midoobay, dal xur ah ayaa tilaabadani qaado, laakiin ma qaadi karto dowlad maamusha wadada Maka Al-Mukarama.

“Ciidanka iyo shaqalaha rayidka ah waxa biil joogta ah siiyo Qaramda Midoobay, madaxda waxa ilaaliya Amisom oo hoos tagta UN”

“Siyaasad is-qarxin ah Shabaab ayaa dalka ku qabsan wayay”

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More