#Saldhiggii Deynuunay ee duleedka Baydhaba oo Ay la Wareegen Alshabab

33,692

Wararka naga soo gaaraya degaanka Deynuunaay ee duleedka Magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in ciidamada AL-shabaab ay qabsadeen saldhiggaas.

Saaka salaaddii subax ayaa la sheegay in ciidamada AL-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga islamarkaana dagaalkoobnaa kaddib la wareegeen.

Ilo ku sugan Degaanka ayaa u xaqiijiyay Mid ka mid ah Idaacadda Maxaliga ah ee Muqdisho in Ciidamada dowladda ka baxeen saldhigga markii uu dagaalka muddo socday islamarkaana Al-shabaab halkaas la wareegeen.

Sidoo kale dadka degaanka ayaa sheegay in Ciidamada dowladda Federaalka ah ay weerar rogaal celis ah ku qaadeen saldhigga Deynuunaay, halkaas oo ay sheegeen in uu hadda dagaal ka socdo.

Ma cadda weli khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba.

Xaaladda ayaa kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo Koonfur Galbeed oo gurmad ah ay gaareen Deynuunaay.

La soco wixii soo kordha.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More