Safiirka Mareykanka ee Kenya oo beeniyay inuu la kulmay MW Farmaajo

32,519

Danjiraha Dowladda Kenya ee Mareykanka Kyle McCarter, ayaa sheegay in uusan Magaalada Muqdisho kula kulmin Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Wareysi uu siiyay Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Dalka Kenya ayaa lagu sheegay in wareysigaas uu safiirku ku sheegay in uu Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya kana dalbaday in Soomaaliya isaga harto kiiska Badda.

Qoraal jawaab ah oo uu dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu denjire Kyle McCarter, ku sheegay in uusan kula kulmin Muqdisho Madaxweynaha Soomaaliya ee uu la kulmay lataliyayaashiisa qaarkood.

Waxaa kale oo uu sheegay in uusan dhihin isaga hara kiiska badda ee kaliya uu wax ka weydiiyay aragtidooda in Mareykanka fududeeyo wadahadalka Kenya iyo Soomaaliya.

Safiirka ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay in Kenya iyo Soomaaliyaba ay leeyihiin hal cadow oo ah AL-shabaab loona baahanyahay in ay si wadajir ah uga hortagaan arrimaha u dhaxeeyana wadahadal ku dhameystaan.

Dowladda Soomaaliya gaar ahaanna Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa xalay beeniyay in Kyle McCarter, uu Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More