Sacuudiga oo wax ka beddel lama filaan ah ku sameeyay shuruu…

Riyadh (Caasimad Online) – Boqortooyada Sacuudiga ayaa wax ka bedel cusub ku sameeysay shuruucdii adkeyd ee xirista dukaamada iyo goobaha ganacsiga xiliga Salaadda, oo aheyd shan jeer maalintii.

Sida uu baahiyey wargeys caan ah oo xiriir dhow la leh dowladda oo ay soo xigatay Reuters, Sacuudiga ayaa dabcinaya shuruucdaas, ayada oo xiligaas sii furnaan karaan ganacsiyada, islamarkaana laga dukaameysan karo.

Tallaabadan ayaa qeyb ka noqoneyso go’aamo hor leh oo ay Boqortooyada Sacuudiga ku sameynayso wax loogu yeeray “casriyeynta Boqortooyada”, midaasi oo looga gol leeyahay in bulshada caalamka iyo shirkadaha indhahooda loogu soo jeediyo dalkaas.

Go’aanka cusub oo lagu waramayo inay gaareen Golaha Rugta Sacuudiga, ayaa waxa uu soo afjari doona tobanaan sano oo ay ahayd “in dhammaan dukaamada la xiro ugu yaraan nus saac inta lagu jiro salaadda maalinlaha ah ee Muslimiinta”.

“Si looga hortago ciriiriga, isu imaatinka, sugitaanka dheer ee talaabooyinka ka hortaga ah ee lagula dagaallamayo Coronavirus iyo in la ilaaliyo caafimaadka dadka wax iibsanaya, waxaan ka codsaneynaa milkiilayaasha dukaamada iyo ganacsiyada inay furnaadaan dhammaan saacadaha shaqada, oo ay ku jiraan waqtiyada salaadda.”

Xafiiska warbaahinta ee dowlada Sacuudiga ayaa ka gaabsaday in uu ka jawaabo dalab ay u dirtay Wakaalada Reuters, oo la xiriiray go’aanka cusub si looga helo faah-faahin dheeri ah.

Si kastaba, Go’aamada taxanaha ah ee wax looga badalayo Boqortooyada Sacuudiga ayaa la rumeysan yahay inuu ka dambeeyo Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan, oo asagu ah hogaamiyaha dhabta ah ee xiligan xukuma dalkaas.

Dhaxal-Sugaha ayaa kal hore ballan-qaaday wax uu ugu yeeray “Islaam dhex-dhexaad ah”, taasi oo bar bilow u noqotay in gebi ahaanba meesha laga saaro qawaaniintii adkeyd ee bulshada.

Inta uu socday taxanaha wax-ka-badalka shuruucda Sacuudiga, ayaa waxa la ogolaaday xafladaha dadweynaha, ayada oo albaabada loo furay shineemooyinka, ogolaanshaha haweenka inay gawaairada wadaan iyo arrimo kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More