#Saciid Deni oo loo doortay Madaxweynaha cusub ee Puntland

3

- Advertisement -

Siciid Cabdullahi Deni ayaa ku guuleystay codbixintii doorashada Madaxweynaha Puntland oo saaka ka dhacday xarunta Baarlamaanka Puntland ee Garowe.

- Advertisement -

Wareega ugu danbeeyey ee codbixinta ayaa waxaa ku tartamay Siciid Cabdullahi Deni iyo Gen.Asad Cismaan Cabdullahi oo ahaa labadii murashax ee ugu cododka badnaa wareegii kowaad iyo labaad ee codbixinta 66ka xildhibaan.

Siciid Cabdullahi Deni ayaa helay 35 cod

Gen.Asad Cismaan Cabdullahi ayaa isaguna helay 31 cod

Siciid Cabdullahi Deni ayaa noqonaya Madaxweynaha shanta sano ee soo socota ee Puntland, isagoona horey uga mid ahaa xubnaha sida weyn loo hadal hayey inay doorashada ku guuleysan karaan.

Deni ayaa wareegii kowaad ee codbixinta helay 20 cod oo isku duuban, taasi oo muujineysay taageerada uu ka heysto Xildhibaanada, wuxuuna ahaa musharaxii ugu soo dhawaa Gen.Asad oo wareegii koowaad helay 17 cod.

Asad Cismaan Cabdullahi oo ah murashaxa ugu da’ada yaraa ee tartanka ku jiray ayaa isagu wareegii  labaad cododka ku hogaaminayey, isagoo helay 30 cod, halka Deni uu helay 29 cod iyo Farax Cali Shire oo wareegaas ku haray oo helay 7 cod oo kaliya. Waxaana muuqata in Deni uu taageero fiican ka helay cododkii murashax Faarax Cali Shire.

Wareegii kowaad ee codbixinta ayey ku hareen murashaxii badan oo si weyn loo hadal hayey, waxaana kamid ahaa Madaxweynaha xilka Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Murashax Maxamuud Khaliif Jabiye oo labadu kala halay 8 iyo 7 cod, murashaxiinta kale ayaa helay wareegii koowaad codad yar.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More