RW Kheyre Oo Baydhabo Kula Kulmay Wefdi Ka Socday QM Iyo Bangiga Adduunka

23,138

Raysul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya. Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay kaaliyaha xoghayaha guud ee qaramada Midoobay u qaabishan arrimaha bini’aadninimada. Mark Lowcock.

Kaaliyaha xoghaha guud ee qaramada midoobay ee taageerada dhismaha nabadda. Oscar Fernandez-Taranco iyo madaxweyne ku-xigeenka sare ee Bangiga adduunka. Mahmoud Mohieldin oo Baydhabo booqasho ku tagay.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Mark Lowcock. Oscar Fernandez-Taranco iyo Mahmoud Mohieldin oo ay goob joog ka ahaa madaxweynaha Koonfur Galbeed Iyo qaar kamid ah wasiirrada XFS iyo Kuwa Koonfur Galbeed. Ayaa looga hadlay xaaladaha bini’aadninimo ee dalka.

Dhismaha nabadda. Qorshaha deynta looga cafinayo Soomaaliya iyo fulinta mashaariic horumarineed.

Raysal  Wasaaraha ayaa mas’uuliyiinta uu kulanka la qaatay waxa uu warbixin ka siiyay horumarradii dowladdu ka gaartay arrimaha dib-u-heshiisiinta. Xaaladda deegaannada Koonfur Gableed ee socdaalka uu ku tegay. Waxa uuna la wadaagay sida ay lagama maarmaanka u tahay in gargaaarka loo bedelo mashaariic horumarineed oo bulshadda wax tar u leh, si loogu diyaar garoobo xalka waqtiga fog ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhammaan mas’uuliyiinta kulanka la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay dadaallada dowladda federaalka ee dib-u-kabashada dalka, gaar ahaan arrimaha amniga. Xaaladda bini’aadninimo, dib-u-heshiisiinta, kobcinta dhaqaalaha iyo dowlad wanaagga.

Waxa ayna sheegeen in hey’adaha qaramada midoobay iyo Bangiga adduunku ay Soomaaliya kala shaqeynayaan ka guul gaaridda himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale ku dhiirri geliyay hay’adaha caalamiga ah in ay taageero deg deg ah iyo mashaariic horumarineed ay la gaaraan deegaannada laga saaray Shabaab, si bulshadu ay uga soo kabsato dhibaatooyinka kasoo gaara dagaalada Shabaab ay qaadaan.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More