#RW Khayre oo ka hadlay Dilka Xildhibaan Boqore

11

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Alle ha u naxariistii Xildhibaan Cismaan Cilmi boqore .

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa uga tacsiyadeeyay Qoyskii,Qaraabadii,Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed oo uu ka baxay Xildhibaanka,isagoona Alle uga baryay inuu Janadii fardowso ka waraabiyo marxumka,Qoyskii iyo Qarankii uu ka baxayna samir iyo iimaan Alle ka siiyo.

Kooxo Hubeysan ayaa magaalada Muqdisho galabta gabal dhicii ku dilay Alle ha naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka tirsanaa Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka waxaa uu ahaa nin si weyn usoo bandhigga Aragtidiisa, waxaana lagu xasuustaa in uu Muddo dheer uu ka tirsanaa Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Waxaa uu kasoo jeeddaa Gobolka Awdal ee Somaliland, wuxuu golaha shacabka ee hadda jira ahaa ninka ugu da’da weyn.

Dowladdii uu hoggaamin jiray Cabdullaahi Yuusuf waxaa uu kasoo noqday Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka.

Wuxuu ahaa nin qaranka u soo shaqeeyey mud dheer, ka qeybgalay dagaalkii 1964 ee Soomaaliya iyo Itoobiya dhexmaray kuna dhaawacmay asagoo askari ah, asagoo ciidanka ku gaaray gaashaanle sare.

Hadda Wuxuu ka tirsanaa Golaha Shacabka waxaa uu ku jiray Guddiga difaaca iyo xisbiga UPD ee hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More