Rooble oo kulan deg deg ah la qaatay guddigii ka hor-yimid l…

Muqdisho (Axadle) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan deg deg ah la qaatay Guddiga uu dhawaan u magacaabay u ololeynta iyo xaqiinta qoondada haweenka ee 30% oo ka horyimid liiska xubnaha musharaxiinta Golaha Aqalka Sarre ee uu shalay shaaciyey Axmed Madoobe.

Kulanka oo u qabsoomay habka fogaan aragga ayaa waxaa looga hadlay saluugii guddoomiyaha guddigaas ay ka muujisay tirada haweenka ah ee ku jirtay 9 xubnood ee uu shaaciyay maamulka Jubbaland.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu horeyntii Guddiga ku bogaadiyey howsha loo igmada ee xaqiijinta qoondada haweenka ee 30%, midaasi oo qeyb ka heyd heshiiskii doorashada ee lagu gaaray Caasimadda Muqdisho.

Rooble ayaa intii uu socday kulankaas waxa uu faray Guddiga Xaqiijinta Qoondada haweenka ee Goleyaasha BFS inay si dhow ula shaqeeyaan madaxda dowlad goboleedyada, si meesha looga saaro dhalleeceyn xiligan ka timaada doorashaa boobsiiska ah ee Goleyaasha labada aqalka, oo maamulkii u horeeyay uu qabanayo doorashada Aqalka Sare.

Sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaraha ku dardaarmay xubnaha guddiga inay wada-shaqeyn dhow la yeeshan Guddiyada doorashada heer federaal iyo heer dowlad goboleed iyo bulshada rayidka.

Kulanka uu Rooble la yeeshay Guddigaan ayaa imanaya saacado un kadib markii uu Guddoomiyaha guddiga ay saluug ka muujisay in hal gabar oo kaliya ay kasoo dhex-muuqato musharaxiinta u tartamaya afarta kursi ee uu maamulka Jubbaland shaaciyey musharaxiintooda.

“Hadda waxaa saluugeynaa soo saarista musharraxiinta waayo waxaan aragnay sideed musharraxiin oo lasoo saaray oo hal gabar oo kaliya ay ku jirto. Waxba kama qabno in hal gabar ay kasoo baxdo afarta kursi, afarta kalena ay hal gabar kasoo baxdo,” ayey tiri Marwo Batuulo Sheekh Axmed Gaballe.

Si kastaba, Ra’iisul wasaare Rooble ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii ay u qabsoomi lahaayeen doorashooyinka dalka, ayada oo cabasho kasta lagu xalinayo is-faham, wuxuuna walaacan imaanaya xilli haatan la guda-galayo doorashada Aqalka Sare, taasi oo ugu horeyn lagu qaban doonaa magaalada Kismaayo ee Jubbaland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More