Rooble iyo Warsame wali wey is khilaafsan yihiin

Maxamed Xuseen Rooble, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir, C / raxmaan C / shakuur Warsame oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray bayaan ay siku qilaafsan yihiin sida ku cad qoraaladooda.

Rooble ayaa sheegay inay ka wada hadleen Cabdiraxmaan Cabdishakuur “Qabashada doorashooyin hufan oo nabdoon, xallinta tabashooyinka doorashada iyo xalinta tabashooyinka dhammaan dhinacyada siyaasadda ay qaatan mas’uuliyadda xasilloonida dalka kana fogaadaan wixii hadal ama ficil ah oo dhibsanaya dadka Soomaaliyeed. sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Rooble

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa intaas ku daray “Wuxuu diyaar u yahay inuu la fariisto dhammaan siyaasiyiinta iyo daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka ee dalka, si uu u dhageysto talooyinkooda, horayna loogu sii wado qabashada doorashada guud.”

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir C / raxmaan C / shakuur Warsame oo kulanka ku matalayay xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in R / wasaare Rooble “Wuxuu kala hadlayaa walaaca laga qabo doorashooyinka guddiyada, qaddiyadda Gobaladda Waqooyi iyo Gedo”.

Mudane Warsame ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Mr Rooble “ay ka go’an tahay xalinta tabashooyinka iyo hubinta doorasho nabdoon oo hufan”.

Hogaamiyaha Mucaaradka ayaa intaas ku daray Waxaan sidoo kale ka wada hadalnay xorriyadda ololaha doorashada, oo ay ka mid yihiin isu soo baxa dadweynaha iyo bannaanbaxyada, iyo in laga wada shaqeeyo xasilloonida dalka.

Dowlada ayaa sheegtay inay arintaasi kala hadashay hogaamiyaha xisbiga Wadajir.

  1. In doorasho dalka ka dhacdo waliba si nabdoon.
  2. Xalinta tabashooyinka ay qabaan siyaasiyiinta Mucaaradka ah.
  3. In dhinacyada Siyaasada Xil iska saaraan Xasiloonida dalka.
  4. In laga fogaado hadalkasto keeni kara kicin dadweyne.
  5. In Xukumadda dhagaysanays tabashada ay qabaan Musharixiinta.

C / raxmaan C / shakuur wuxuu cadeeyay inuu kala hadlay R / wasaare Rooble.

  1. Tabashada ay mucaaradku ka qabaan guddiga doorashooyinka.
  2. Qaabka loo marayo magacaabista guddiga doorashada Somaliland
  3. Dooda ka taagan ciidanka Dowladda ee ku sugan gobolka Gedo
  4. Xaqiijinta doorasho si nabad ah oo daahfurnaan leh ku dhacda.
  5. Xorriyada ololaha doorashooyinka sida kulamada dadwaynaha iyo dibadbaxyada .
  6. In laga wada shaqeeyo xasiloonida dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More