Roobe: Ra’isalwasaarihii 6aad ee  siyaasadda ka billaabay

Engineer Maxamed Xuseen Rooble, Ra’isalwasaaraha 20aad ee xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Engineer Maxamed Xuseen Rooble Waa ra’isalwasaarihii 6aad ee  siyaasadda ka billaabay xilka Wasiirka koowaad, sida uu ku qoray Dokumentigii uu ku codsaday xilka Ra’isalwasaaraha waa 57 jir wax ku bartay Dalalka Soomaaliya & Sweden, derajooyinka 1aad & 2aad ee jaamacadda waxa uu ku sameeyey Handasda deegaanka iyo kaabayaasha dhaqaalaha, waxa uu la shaqeeyey dhowr hay’adood oo caalami ah oo ay kamid tahay ILO, SIDA, UN, EU,Norwegian, DANIDA, Dfid, USAID & Qaar kaloo badan , sidaas oo kale waxa uu ka shaqeeyey mashaariic horumarineed oo loogu deeqay Dowladda Soomaaliya.

Rooble waxa ay muddo dheer jaal iyo saaxiib ahaayeen siyaasiyiin kaladuwan oo kujiray xukuumaddii madaxweyne Xasan Sheekh, waana taas sababta Cabdikariin Xuseen Guuleed wasiirkii arrimaha gudaha ee xukuumaddaas iyo madaxweynihii hore ee Galmudug u yahay qofka keli ah ee Soomaali ah ee ku xusan dadka uu Rooble u xushay in ay noqdaan tixraaca CV-giisa.

Sida ay qabaan dadka yaqaan waa nin deggan oo ku habboon maareynta Shaqooyinka gacanta laga qabto iyo howlaha sida gaarka ah loo maamusho, maaddaama uu yahay farsamo-yaqaan ma jecla fagaare kahadalka sidaasna waxa muujiyey hadal kayar hal daqiiqo oo uu ku dalbanayey in la siiyo codka Kalsoonida kaas oo ay baahisay Villa Somalia.

23-Sep-2020 waxa uu u sheegay golaha shacabka in haddii uu helo codka kalsoonida uu wax ka qaban doono arrimaha ay kamidka yihiin:

Nabadgelyada
Doorashooyinka
Horumarinta dhaqaalaha & adeegga bulshada
Caddaaladda & Garsoorka
Dowlad-wanaagga iyo la dagaallanka Musuqa
Dib u eegista Dastuurka
Dhab u heshiisiinta
Iskaashiga caalamiga ah.

Hadal-jeedintiisa oo ka koobnayd 3 daqiiqo waxa uu ku soo gunnaanaday in uu soo dhisayo xukuumad tayo leh oo ka turjumeysa baahiyaha kaladuwan ee kajira dalka islamrakaana dalka ka gudbisa marxaladda kalaguurka gaarsiisana doorashooyin heshiis lagu yahay!

Dhismaha xukuumadda

Xukuumadda uu dhisayo  waxaa horyaalla Dhaqangelinta doorashada dalka 20/21 oo sida uu qabo heshiiska siyaasadeed ee doorashooyinka ay tahay in ku dhacdo kuna dhammaato muddo 4 bil ah (October, November, December, January) 8-da Febaruary-na waa in ay dhacdo doorashada madaxweynaha 10aad Soomaaliya.

Sida ay  sheegeen xubno kudhow Xasan Cali Kheyre ra’isalwasaarihii golaha shacabku kalanoqday Kalsoonidu waxa uu soo dhisay xukuumad uusan hal wasiir oo kamid ahna uusan lahayn soo jeedintiisa hayeeshee dhammaan golaha Wasiiradu ay ku yimaadeen xulashada iyo soo jeedinta madaxweynaha, taasina waxa ay noqon doontaa caqabad kale oo xakameyn doonta in Rooble helo firaaqo uu ku doorto dadka kamid noqonaya xukuumaddiisa oo laga sugayo in ay gudato waajib weyn.

Haddaba Engineer Maxamed Xuseen Rooble ma dhisi karaa xukuumad leh tilmaamaha uu sheegay isalamaraakana gudan karta arrimaha uu sheegay in uu wax ka qabanayo? Karti intee la eg ayuuse u yeelan doonaa iska caabbinta Culeyska Siyaasadda & Cadaadiska siyaasiyiinta?

Axadle                          

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More