Roble wuxuu codsi u gudbinayaa Turkiga kadib markuu la kulmay Mehmet Yılmaz – Axadle

Muqdisho (Axadle) – Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa la kulmay Safiirka Turkiga u fadhiya Caasimadda Muqdisho, Mehmet Yılmaz.

Roble iyo Mehmet Yılmaz ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga iyadoo sidoo kale si qoto dheer looga hadlay doorashada la filayo in Rooble uu hogaamiyo Soomaaliya kadib markii Farmaajo uu ku wareejiyay masuuliyada doorashada iyo amnigeeda.

Wuxuu ugu baaqay Turkiga inay door hoggaamineed ka ciyaaraan howlaha dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo inay taageeraan howlaha doorashada ee Rooble ee Soomaaliya.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa u balan qaaday R / wasaare Rooble in dowlada Turkiga ay ka taageeri doonto howsha culus ee uu hayo oo ah isu soo dhaweynta madaxda maamul goboleedyada iyo Farmaajo iyo in dalka ay ka dhacdo doorasho

Dowlada Turkiga ayaa kamid ah dowladaha taageera Soomaaliya si ay uga caawiyaan dhanka tababarada ciidamada iyo dib u dhiska, waxaana dhawaan midowga musharixiinta ay ku eedeeyeen Turkiga in ciidamadooda tababaran iyo gawaarida dagaalka ee Soomaaliya jooga ay u adeegsanayaan cabudhinta siyaasada dowlada ka soo horjeedda.

Tan iyo markii uu Rooble u wareegay maamulka doorashada, wuxuu kulamo kala duwan la qaatay wakiilada beesha caalamka si ay uga caawiyaan dadaalada loogu jiro qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah.

Beesha Caalamka ayaa u balan qaaday R / wasaare Rooble inuu kala shaqeyn doono sidii loo fududeyn lahaa kulanka uu isugu yeeray hogaamiyaasha maamul goboleedyada, gobolka Banaadir iyo madaxda dowlada federaalka Soomaaliya kadib kulan ay la qaateen Afisyooni.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More