#R’iisul Wasaaraha Itoobiya oo la kulmay Madax uu ku jire Madaxweynaha Soomaaliya

0

- Advertisement -

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa kulan gaar ah kula yeeshay magaalada Adis-aba madaxweynayaasha Soomaaliya,Ghana iyo madaxweynaha dalka Botswana.

- Advertisement -

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Madaxweynaha Ghana Nana Akufo- Addo, iyo Madaxweynaha Botswana Mokgweetsi Masisi ayuu maanta Wadahadal la yeeshay Abiy Ahmed Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Hogaamiyaasha ayaa ka wada xaajooday arrimo badan oo khuseeya labada dhinac iyo gobolka intaba.

Sidoo kale,Ra’iisal wasaaraha Ethiopia ayaa la kulmay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele iyo madaxweynaha Suudaan Cumar Xassan Albashiir.

Hogaamiyeyaasha Afrika ayaa magaalada Adis-ababa uga qeyb  galay shir madaxeedka Midowga Afrika oo looga hadlay arrimaha Qaxootiga, Barakacayaasha Gudaha iyo kuwa Dibedda ka soo laabanaya ee Afrika.”

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More