#Raysal Wasaraha New Zealand: Daraasiin ayaa lagu dilay weerar argagixiso ee lagu qaaday masjid ku yaal Christchurch

12

Afartan iyo sagaal qof ayaa la dilay, ugu yaraan 20 kalena way ku dhaawacmeen laba weerar oo ka dhacay dalka New Zealand masajid ku yaal magaalada Christchurch oo weerarkii ugu xuma ee taariikhda waddankas soo mara uu ka dhacay.

Raisul wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ayaa shir jaraa’id ku sheegtey in weerarrada masaajidda ay u muuqdaan in ay ahaayeen “weerar argagixiso” oo si fiican loo qorsheeyay.

“Tani, Waxaay tahay, oo ay noqon doontaa, mid ka mid ah maalmaha mugdig ah ee New Zealand soo maray,” ayaa Arna Culay tiri.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in walxaha qarxa ee lagu soo xiray gawaarida la tuhunsan yahay lagu guleystey in la kala furfuro, waxaa kale oo laga helay hub.

Labada bartilmaameed ee la beegsadey waa Masjid Al Noor oo ku yaal bartamaha Christchurch, iyo masaajid labaad oo ku yaal magaalada Linwood.

Mid kamid ah dableyda weerarka soo qaaday ayaa muuqaal baraha bulshada lagu faafiyay duubayay xiliga uu dhacayay xasuuqaan.

Wali lama aqoonsan waxa ay ahaayeen gacan ku dhiiglayaasha, hasa yeeshee, mid kamid ayaa la xaqiijiyay in uu u dhashay Australia.

Sam Clarke, oo ah wariye la shaqeeya TVNZ, ayaa la hadlay dad dhowr ah oo ku dhex sugna Masajidka Al Noor markii uu bilaabay toogashadii qofka argigixisadda ah.

Wuxuu u sheegay Al Jazeera nin inuu arkay nin la soo galay qori isla markaana bilaabay in uu ku furo dadka.

“Qofka hubeeysan – wuxuu xirnaa dhar madow waxaa kale uu watey koofiyad ciidanka qataan iyo qoriga darandooriga loo riido – wuxuu ka soo galay xaga dambe ee masajidka wuxuuna bilaabay inuu dadka tukanayey uu rasaasta ku furo” ayuu yiri Clarke.

Waxaa markii dambe Boliska ay xaqiijiyeen in 30 qof Masaajidka lagu dilay oo ay ku jiraan haween iyo carruur.

Bilayska ayaa sidoo kale xaqiijiyay in 10 qof oo kale lagu dilay masaajidka kale oo kuyaal Linwood intii lagu jiray salaadda jimcaha.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More