#Raysal Wasaare Kheyre oo ku dadaalay in uu baajiyo mooshinka dawladisa ku soo food leh

3

Mogadishu (AxadleTM)— Iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay isa soo tarayeen hadal heyn ku aadan in suura galnimada in mooshin laga keeno Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa iminka isa soo taraya dadaalada la doonayo in looga hortago mooshinkaas, lana baajiyo.

Guuxa ku aadan mooshinka ayaa aad u soo kordhayay labadii todobaad ee u dambeeyay, waxaana Xildhibaanada Baarlamaanka dhexdooda ka bilowday isbaheysiyo xooggan oo arrinta mooshinka la xiriirta.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in laga yaabo inay dhacdo isku shaandheyn waqtigeeda ka soo hormarta, taasoo lagu baajinayo mowjadaha siyaasadeed ee ku soo fool leh Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa laga yaabaa in labo sababo dartood uu isku shaandheyn u sameeyo, waa tan koowaade, iyadoo ay jireen saluug ay beelaha qaar markii hore ka keeneen magacaabistii Golaha Wasiirada, oo lagu soo daray shaqsiyaad aan kalsooni ka heysan Xildhibaanadooda iyo beelahooda.

Mida labaad ayaa ah, si uu u yareeyo culeyska Baarlamaanka uga imaanaya iyo guuxa ku aadan Mooshinka la hadal haayo, ayay suura gal tahay in shaqsiyaadka hor-boodaya ololaha socda inuu wada xaajood la galo, si uu ugu qanciyo xilal.

Durbaba waxaa xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ka bilowday kulamo siyaasadeed oo la xiriiray qaabka loo wajahayo guuxa ay wadaan Xildhibaanada dhaliilsan Xukuumadda iyo Madaxtooyada.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la sheegay in habeenadii la soo dhaafay uu kulamo la qaadanayay Xildhibaanada beeshiisa, iyadoo kulankan looga hadlay sida looga hortagi karo, hadii ay mowjado siyaasadeed kaga soo furmaan dhanka Baarlamaanka.

Kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka ayaa lagu wadaa inuu furmo 8-da bishan, waxaana dad badan ay saadaalinayaan in wixii ka dambeeya 8-da bishan ay is bedeli doonto dabeysha siyaasadeed ee xilligan ku socota sida degan.

Xaruunta Dhexe ee Shabakadda Axadle Group
Axadle International Monitoring – Africa
Mogadishu-Somalia
xanafi02@gmail.com

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More