Ra’isalwasaaraha Cusub ee Soomaaliya ma Danbi ayuu ka galay Sweden?!

Waxaa Social mediyaha Wareegaya nin Magaciisa la yiraahdo Mohamed Hussein Roble oo Maxkamad ku taal Gobolka Värmland ee Dalka Sweden ay ku Xukuntay Dambiyo Bishii 5aad ee Sanadka aan ku jirro, Dad badan ayaa u qaatay inuu ninkaasi yahay Ra’isalwasaaraha Cusub ee Soomaaliya, Kuwa kalena iyaga oo ay Mucaaradnimo iyo Fadeexeyn ka tahay ayey aad u wad wadaan Qoraaladaas.

Hadaba waxaan Doonayaa inaan Qoraalkaan Kooban kaga hadlo kala duwanaanshaha Labada Qof iyo inaan Cadeeyo Qofkaas inuusan ahayn Mohamed Hussein Rooblaha loo Magacaabay Ra’isalwasaaraha Soomaaliya.

Waxaan Xiriir la sameeyey Qaraabada iyo Saaxiibo ay aad isugu dhow yihiin Ra’isalwasaaraha Cusub, Waxaa la ii soo direy Passportkiisa Swedishka ah, Waxaan sidoo kale Xiriir la sameeyey Advokat Hans Peter Lindström oo ah Qareenka ninka la xukumay iyo Xafiiskiisa, Waxaana ii soo baxday Arimaha Soo socda.

Mohamed Hussein Rooblaha Maxkamaddu Xukuntay wuxuu dhashay 05/02/1968, Personal lambarkiisu waa 19680295-xxxx, Dhalashadiisu wa Soomaali oo ma haysto Dhalashada dalka Sweden, Wuxuu dagan yahay Magaalada Kalstad, Waxaa lagu eedeeyey Gacanqaad Bas Dhexdiis, inuu Mindi ula soo baxay Qofkii uu Gacanta u qaaday oo Magaciisa lagu sheegay Daniel Karlson, Waa la xiray waxaana Jirkiisa laga helay Daroogo.

Mohamed Hussein Rooblaha loo Magacaabay Ra’isalwasaaraha Soomaaliya, Waxaa la ii soo diray Passportkiisa Swedishka ah sidaan horey idiinku sheegay wuxuuna dhashay 19/10/1963, Personal lambarkiisuna waa 19631019-xxxx, Afarta lambar oo u danbeeya waan qariyey Sababa lawada garan karo awgood, Wuxuu haystaa Dhalashada Dalka Sweden, Wadanka Sweden Adress ahaan kuma qorna wuxuu ka mid yahay dadka ku qoran inay dibadda Sweden dagan yihiin, Waxaa la ii sheegay in Sanadkaan 2020 uusan imaan Wadanka Sweden, Ehelkiisii waxay dagan yihiin Magaalada Stockholm, Hadduu wadanka yimaado ma dhaafo Stockholm sida Saaxiibadiis ii sheegeen.

Dhaqan ahaan waxaa la iigu sheegay inuu yahay nin dagan, Afgaaban, Ixtiraam badan, Aqoon yahan ah,aan isticmaalin wax balwad ah.

Wixii Su,aal ah Diyaar ayaan u ahay inaan ka Jawaabo, Yeynaan u gafin Madaxdeenna, Madaxdeenu waa Sharafteenna.

Fadlan Qoraalkaan sii faafi si uu u gaaro Bulshada Soomaaliyeed.

W/Q Hon Said Surcad.

Afeef: Maqaalkan iyo maqaaladda kale ee kusoo baxa bogga Aragtida dadweynuhu waxa ay gaar u yihiin Qoraaga kamana turjumayaan Aragtida Axadle.

Aragtidaada noogu soo dir: aragtida@mustaqbalradio.net

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More