Ra’iisul wasaaraha Magacaaban oo aqbalay xilka uu u igmaday Madaxweyne Farmaajo.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha uu magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay la hadlay Warbaahinta ayaa si kooban u sheegay in uu aqbalay xilkaas loo magacaabay.

Rooble ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo, waxaana uu hadlay wax kayar daqiiqad, isaga oo diiradda saaray aqbalidda xilka loo magacaabay iyo codsashada codka kalsoonida Golaha Shacabka BFS oo leh go’aanka uu ku shaqeyn karo.

Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa saacadihii lasoo dhaafay waday kulamo iyo wadatashiyo uu la sameynayo Siyaasiyiin iyo xubno kala duwan waxaana uu kala tashanayay waajibaadka culus ee saaran oo ay ugu weyn tahay Doorashada 20/21.

“Waxaa farxad ii ah in aan idinla wadaago in aan si sharaf & dareen mas’uuliyadeed leh aan u aqbalay kalsoonidii uu isiiyay Hogaamiye JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iiguna magacaabay Xilka Ra’iisul Wasaarenimo ee XFS, sidaas darteed waxa aan doonayaa in aan codka kalsoonida weydiisto Golaha shacabka, aniga oo rajeynaya in ay isiiyaan si aan u guto waajibaadkeyga” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 17-kii September 2020 oo ku beegneed Habeenkii Khamiista, daqiiqado kadib shaacinta heshiiskii laga gaaray doorashada Dalka waxa uu ku dhawaaqay qofka u noqonaya ra’iisul wasaarihiisii labaad ee muddo xileedka 4-ta sano ah.

Ilo xog ogaal ah ayaa Axadle u sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Magacaan berri oo isniin ah kuna beegan 21-ka September uu madaxweyne Farmaajo horgeynayo Golaha Shacabka si uu codka kalsoonida ugu helo, maadaama waqti ahaan ay u harsan tahay 141-Cishe oo ah waqtiga uu idlaanayo muddo xileedka Madaxtooyada Soomaaliya 8-ta Febaraayo 2021.

Waa Kuma Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee Maxamed Xuseen Rooble?

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More