Ra’iisal Wasaare Rooble oo gaaray magaalada Baydhabo! –

6

Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw gaaray magaaalada Baydhabo ee xarunta KMG u maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha oo waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay madaxweynaha  maamulka Koonfur Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, xubno ka tirsan laba gole ee maamulkiisa iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaaladda Baydhabo.

Lama oga ujeedada rasmiga ah ee safarka  Ras’iisal Wasaaraha oo noqonaya kii ugu horreeyay ee dalka gudihiisa uu ugu anbabaxo  tan iyo markii xilkan loo magacaabay.

Socdaalka Ra’iisal Wasaaraha ee Baydhabo ayaa imanaya xili dalka uu ku jiro olole doorasho, dhinaca kalana siweyn leysugu khilaafsan yahay hannaanka lagu wajahayo doorashada, maamulka Koonfur Galbeedna waxaa uu ka mid yahay maamullada loo tirayo in ay gacan saar dhaw la leeyihiin dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Lama shaacin waqtiga uu qaadanayo socdaalka Wasiirka 1 aad ee xukumadda fadhigeeduyahay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Baydhabo dhankale waxaa gaaray xildhibaano iyo senataro u hanqal taagaya in ay dib u soo laabtaan kuwaas oo kulamo ka bilaabay deegaanadda Koofur Galbeed Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More