R/W Rooble oo ka hadlay xal laga gaaray xiisadda Gedo oo loo…

Muqdisho (Axadle) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga wasiirrada ah ee uu u xilsaaray dib u heshiisiinta gobolka Gedo ayaa ka gudoomay warbixinta howlihii u qabsoomay iyo talo soo jeedintooda la xiriirta xal u helista arrinta gobolka Gedo.

Ra’isul Wasaaraha kulankaas ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysay ayaa ka hadlay arimaha doorashooyinka dalka, isu-socodka siyaasiyiinta ee gobollada, khilaafka ka dhaxeeya siyaasiyiinta reer Gobaladda Waqooyi iyo hankiisa siyaasadeed inta lagu guda jiro doorashooyinkaan.

Ugu horeyn Ra’iisul wasaare Rooble waxa uu sheegay in Guddiga Dib u heshiisiinta Gobolka Gedo uu ka gudoomay warbixintii ay ka soo diyaariyeen hanaanka dib u heshiisiin loogu sameyn karo dadka gobolkaas iyo talo soo jeedintooda la xariirta sidii ay doorasho uga qabsoomi laheyd Garbahaareey.

Rooble waxa uu sheegay in arrinta gobolka Gedo ay haatan mareyso meel gabagabo ah, isla markaana ay hartay oo kaliya in isaga iyo Axmed Madoobe ay wareegto ku soo saaraan xubnaha maamulka gobolka Gedo.

Guddiga dib u heshiisiinta gobolka Gedo ayaa socdaal shaqo ku tegay magaalada Garbahaareey ee xarunta Gobolka Gedo, halkaasi oo ay kulamo kula qaateen qeybaha bulshada, waxaana ay socdaalkooda ku soo gabo gabeeyeen magaalada Kismaayo oo ay kula kulmeen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo siyaasiyiinta kale ee kasoo jeeda Gedo.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan amar ka soo baxay madaxda Jubbaland lagu hor istaagay in la-taliyaha arrimaha doorashooyinka ee madaxweyne Farmaajo uu tago magaalada Kismaayo.

Hoos ka daawo Ra’iisul Wasaare Rooble.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More