R/W Rooble: NISA iyo booliska uma dulqaadan doono

Muqdisho (Axadle) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen ayaa ka hadlay shaqsiyaad dhowaan lagu celiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kuwaasi oo loo diiday inay u dhoofaan magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Rooble ayaa cod adag ku sheegay in uusan u dul qaada doonin in siyaasiyiinta laga soo celiyo gobollada ay deegaan doorashadoodu tahay, isagoo diyaaradaha faray in hadii amarro dad lagu hor istaagayo gobollada laga siiyo ay xafiiskiisa toos ugu soo gudbiyaan.

“Muwaadinka Soomaaliyeed ee musharaxa ah waxa uu xaq u leeyahay in la dhowro xuquuqdiisa, oo magaalo uu ka tago, mahaalo kalena uu tago, waxaan farayaa hey’adaha socdaalka iyo hey’adaha amniga, sida boliiska iyo NISA, marar badan waxaa i soo gaartay, in dad la celiyey oo meelo kala duwan laga soo celiyey, uma dulqaadan doono, qofkii uu fal noocaas ah ku soo baxana tallaabo sharci ah ayaan ka qaadayaa,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Qof garoomada diyaaradaha lagu hor istaagi karo ma jirto, diyaaradaha socdaalka waxaan farayaa in cidii ka hor timaada safaradooda magaalo ka magaalo ay si toos ah iila soo wadaagaan, tallaabaan ka qaadayaa, waa xaq dastuuri ah cid aan ka yeeleyno ma jirto.”

Axadle ayaa 8-dii bishan qortay in garoonka diyaaradaha ee Muqdisho lagu xayiray dad gaaraya ku dhawaad 40 qof, kuwaas oo ku wajahnaa magaalada Garbahaareey ee xarunta gobalka Gedo.

Dadkaan oo u badan shacab ayaa sababsaday laba qof oo lagu sheegay siyaasiin degaanka u dhashay, sidoo kalane ahaa mucaaradka Villa Somalia, waxaana la joojiyay dhamaan rakaabkii saarnaa diyaaradda.

Ciidanka NISA ee ku sugan garoonka ayaa sheegay in baaritaan ku sameynayeen laba qof oo rakaabka ka mid ahaa.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo rogtay amar qarsoodi ah oo dhigaya in Garbahaareey diyaarad kasta oo u socoto ay marka hore soo maraan ciidamada amniga iyadoo loo digay shirkadaha diyaaradaha dalka.

Garbahaarey ayaa ka mid ah deegaan doorashooyinka loo asteeyey in lagu soo doorto xildhibaanada golaha shacabka, waxaana magaaladaas aad isugu haya Farmaajo iyo maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More