Qoyska Mugabe waxaay isku khilaafeen Mnangagwa qorshooyinka aaska qaran

Saraakiisha iyo xubnaha qoyska ayaa isku khilaafay qaban qaabada aaska Halyeeyga reer Zimbabwe ee isu rogay keligii taliye kaas oo ku dhintey Singapore isbuucii hore isagoo 95 sano jir ah.

25,896

HARARE, Zimbabwe – Saxaafadda maxaliga ah ayaa ku warameysa in uu isqabqabsi ka taagan yahay. Meesha lagu aasayo cabqarigii reer Zimbabwe ee Robert Mugabe. Kaasi oo todobaadkii hore dhintay.

Qaraabadda marxuumka ayaa u sheegay warbaahinta. In kahor inta aysan nafta ka bixin uu codsadey in lagu xabaalo tuulada uu ku dhashay kuna soo barbaaray. Taas oo uu waqti badanna kusoo qaatay ee lagu magacaabo Zvimba.

Balse dowladda ayaa waxay dooneysaa. In meydkiisa lagu aaso magaaladda caasimadda ah ee Harare. Gaar ahaan qabuuraha loogu talogalay. In lagu duugo shaqsiyaadka u soo halgamay dalkaasi ee loo yaqaano halyeeyo.

Ehelke ayaa sababta uu Mugabe u codsadey. In degaankiisa lagu duugo waxaay ku qeexeen cilaaqaadka kala dhaxeeyay. Madaxweyne Emmerson Mnangagwa oo ahaa mid aanan aad u wanaagsaneyn.

Xiriirkooda ayaa wuxuu xumaadey ka gedaal. Markii Mnangagwa iyo saraakiil kale ay Mugabe ku cadaadiyeen in uu xafiiska baneeyo bishii November ee 2017-kii, xiligaasi oo ay u adeegsadeen awood ciidan.

Taasi ayaa soo afjartay tobanaan sano oo uu Mugabe ka talinayey Madaxtooyadda iyo yoolkiisa ku aadanaa in uu madaxweyne sii ahaado illaa iyo ay da’diisa ka noqoneyso 100-sano jir maadaama uu 95-jir ku geeriyoodey.

Qoyska iyo xukuumadda ayaa waxaa haatan u socda wada hadaladda ku aadan arrintan, iyadda oo warbixino soo baxaya ay tibaaxayaan in reerku ku adkeysaneyo in aysan baalmari kari dalabka marxuumka.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More