Qarax miino oo Muqdisho lagula eegtay saraakiil ka tirsan

6

Wararka ka imaanaya degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta Qof nafti hure ah uu isku Qarxiyey Saraakiil Ciidan oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn taliska booliska Gen.Kaahiye ee magaaladda Muqdisho.

Saraakiisha la weeraray ayaa ku sugnaa maqaaxi shaaha laga cabo sida laamaha amaanka Xaqiijiyeen.

Wararka ayaa intaa ku daraya in uu jiro kharaase ka dhashay qaraxaasi, wallow ay adagtahay in wax badan laga ogaado maadaama ciidanka Amaanka Soomaaliya xireen aaga qurxu ka dhacay.

Gaadiidka gurmadka dega dega ah ee booliska Soomaaliya ayaa goobta ku baxay.Saraakiil ka tirsan booliska oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday khasaaraha qaraxa waxa ayna sheegeen in ay dib ka soo sheegayaan khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

Majirto cid sheegatay masuuliyada weerarka balse inta badan weeraradda nuucaana waxaa looga bartay xoogga hubaysan ee Al Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More