Qarax ka dhacay waddada Afgooye oo lagu dhawacay nin turki ah

24,170

Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya. Qarax goor dhow lala eegtay Injineerada dhismaha ka wada waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa lala beegsaday gaari HILUX ah oo ay wateen Injineeradaasi oo u dhashay dalka Turkiga. Xilli ay marayeen agagaarka Jaamacadda Shabelle.

Ugu yaraan illaa saddex qof ayaa ku dhaawacantay qaraxaasi oo mid ka mid ah uu yahay Injineer. Halka labada kale ay ahaayeen askar ilaalo ah.

Xaaladda ayaa hadda degan. Waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay laamaha amniga Soomaaliya oo la xariira qaraxaasi.

Al-Shabaab ayaa horay uga digtay dhismaha jidkan. Inkastoo markii dambe la sheegay in Qatar ay siiyey lacag. Si loo wado dhismaha waddadaas oo muhiim u ah dadweynaha.

Lama oga in qaraxan uu la xariiro digniintaasi iyo in kale, balse Al-Shabaab ayaa horay Muqdisho uga joojisay dhismayaal kala duwan.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More