#Qarax ka dhacay Mandheera iyo gaadiidka dadweynaha oo amaro kale la dul dhigay

78,566

Wararka ka imaanaya deegaanada u dhaxeeya Mandheera iyo Ceelwaaq ayaa sheegaya in qarax uu haleelay gaari dadweyne saarnaayeen, waxaana qaraxa ka dhashay waxyeelo kala duwan.

Saraakiisha ciidamada amaanka dowladda Kenya ayaa markale ku dhawaaqay in hakad la geliyay gaadiidkii isaga kala gudbi jiray magaalooyinka Mandheere iyo Nairobi, waxaana qaraxii ugu dambeeyay uu sababay dhaawac soo gaaray dad shacab ahaa.

Saraakiisha ayaa sheegay in gaadiidka gabi ahaanba aysan ka sii shaqeyn doonin deegaanada u dhaxeeya Ceelwaaq iyo Mandheere, waxaana halkaasi ka bilaaban doono baaritaano lagu saarayo waxyaabaha qarxa oo Al Shabaab la sheegay inay ku aaseen wadada.

Saraakiisha ayaa sidoo kale ku amray wadayaasha gaadiidka inaysan ku safri karin wadadaasi xitaa haddii ay la socdaan ciidamada loo xilsaaray amaanka wadadaasi, ilaa ay amar ka helaan hay’adaha booliska dalkaasi.

Dhinaca Mandheera sidoo kale ayaa la amray Gaadiidka waaweyn iyo kuwa kaleba in aysan dhaq dhaqaaq sameyn ilaa laga nadiifinayo jidka.

Axaddii ayaa la joojiyay Gaadiidka Nairobi iyo Mandheera markii xubno ka mid ah AL-shabaab lagu arkay jidka u dhaxeeya labada Magaalo.

Shalay ayaa dib loo furay haddana isla gelinkii dambe ee shalay ayuu amarka dambe soo baxay Markii Gaari Bas ay ay Miino la kacday inkasta oo uusan jirin khasaare nafeed marka laga reebo dhaawacyada iyo bur burka Gaariga.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More