#Qarax Ka Dhacay Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Muqdisho.

3

Mogadishu(AxadleTM)Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo habeenkii xalay aha aka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, waxaana  qaraxaasi uu geystay khasaare kala duwan.

Gaari nooca dadweynaha ah oo loo yaqaano Homey ayaa la sheegay inuu haleelay qaraxan, waxaana gaariga saarnaa shacab u socday degmada Afgooye.

Inta la xaqiijiyey Labo qof oo shacab ah ayaa qaraxaasi ku dhintey, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida Goobjoog News u sheegay mid kamid ah dadka ku dhaqan degmadaasi.

“Walaalow qaraxan waxa uu ahaa mid xooggan, waxaana uu haleelay gaari Dadweynaha uu adeega ee loo yaqaan(PL) ah, waxaana ku nafwayey halkaas inta hadda la xaqijiyey Labo qof, dhaawacana  ilaa Shan ayuu gaarayaa” ayuu yiri goob joogaha warbixinta na siyey.

Qaraxa kadib waxaa goobta gaaray ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo halkaasi ka sameeyay howlgal aan dad lagu soo qaban.

Xaruunta Dhexe ee Shabakadda Axadle Group
Axadle International Monitoring – Africa
Mogadishu-Somalia
info@axadletimes.com

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More