#Qarax ka dhacay bartamaha Paris Ayaa lala xiriirinaya gaas, warbixintu Waxaay sheegaysa in dhaawacyo badan jiraan

2

Dab loga shakisan  yahay in uu ka dhashay haan gaas oo naqaska sii daysay ayaa sabaab uu noqotey in qarax xoog leh ka dhaco  meel rootiga lagu dubo oo ku taal bartamaha magaalada Paris. Qaraxa ayaa ahaa mid xoogan oo sabab uu noqdey in uu burburiyo dhismayaasha u dhow, iyada oo dad badani ay ku dhaawacmeen.

Qaraxan Ayaa ka dhacay Wadada Rue de Trevise ee bartamaha Paris saaka waxaan waraku sheegayaan in ugu yaraan 20 qof oo dhaawac ah oo mesha laga soo sarey, Shabakadda Le Figaro ayaa ka soo warisay ilo ku dhow dhow boliska.

Sida laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah, dabku wuxuu ka qarxay Marka hore xaruunta rootiga lagu sameyo ka hor inta uusan qaraxo ku  gaarin nawaaxiga waddooyinka uu dhwodhow.

Sawirada iyo fiidiyowyada ayaa lagu soo bandhigay shabakadaha maxaliga ah ee wadanka faransiiska ayaa mujinaya qiiqa qiiqa iyo ololka kasoo baxayey dhismayaasha mid ka mid ah goobta qarax ka dhacay.

Goobjoogayaal jgoobta shilku ka dhacay ayaa sheegaya in dad badan ay wali u baahan yihiin gargaar caafimaad.

Boliska amaanka ayaa xaqiijiyay “qaraxa xooggan” waxaayna dadka ku boorrinayaan in ay ka fogaadaan aagga isla markaana u furaan dariiqa gawaarida gurmadka.

Warbixinno horudhac ah oo laga helayo goobta ayaa muujinaya in dad badan ay ku dhaawacmeen, inkasta oo aanay jirin warbixin rasmi ah oo ku saabsan xaaladda halkaas ka jirta waqti xadirka.

 

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More