#Qarax goor dhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho

2

- Advertisement -

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax goor dhaw ka dhacay Degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay Xaada Horseed oo ka tirsan Degmada Waaberi gaar ahaan agagaarka Saldhiga Degmadaas.

Goobjoogaaal ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamada amaanka lagu wargaliyay nin la sheegay in qarax miino bac ku watay, kaa oo doonayay in wadada dhinaceeda ku aaso.

Ninka watay Bac madowda ay Miinada ku jirtay ayaa Ciidamada amaanka iyo dad Shacba ah eryadeedn,balse Bambo uu ksuoo tuuray taas oo jugta qaraxeeda laga maqlay degmada Waaberi iyo degmooyinka ku dhow.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Qaraxa aysan ka dhalan wax khasaaro ah,isla markaana Ninkii bamka tuuray uu goobta ka baxsaday.

Magaalada Muqdisho Dadka ku nool loogama baran in Ciidamada Dowlada ay ku wargaliyaan marka ay arkaan qof qarax diyaarinaya ama wadada ku aasaya,balse arinta manta dhacday ayaa waxa ayififaalo u tahay in Shacabka iyo Ciidamada amaanka wada shaqeyn dhexmarto taaso meesha ka saari karta dilalka iyo qaraxyada Muqdisho ka dhacay.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More