#Qarax Gaari oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

1

- Advertisement -

Qaraxaan ayaa jugtiisa inta badan laga maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir,waxana uu ka dhacay Xaafad ka tirsan degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir.

- Advertisement -

Qaraxa ayaa ahaa mid Gaari lagu xiray,isla markaana uu ka dhacay Xaafada 1-da Maaj ee degmada Waaberi.

Sidda ay Warbaahinta u xaqiijiyeen dad tagay goobta ay wax ka dhaceen gaariga qarxay waxaa la ahaa Agaasime qeybeed ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,kaasoo lagu Magacaabo Cismaan dheere.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxa uu ku dhaawacmay Nin la sheegay in uu ka mid yahay Agaasimo qeybeedyada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha kaas oo  Magaciisa lagu soo koobay Cismaan Dheere.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana ay damiyeen gaariga qarxay oo gubanaayay.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More