#Qarax gaari oo goor dhow ka dhacay Muqdisho

Qarax loogu rakibay gaarigiisa oo la doonayey in lagu dilo ayuu si dirqi ah uga badbaaday.

12,500

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay Kaalin Shidaal oo ku dhow xabisga dhexe ee Xamar.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid gaari lagu soo xiray.

Sida ay ogaatay Axadle. Gaariga qarxay ayaa waxaa watay Generaal ka tirsan ciidanka Booliska Soomaliyeed oo la sheegay in dhaawac uu soo gaaray.

Gaariga qaraxu qabsaday oo ahaa nooca SURF. Ayaa la sheegay inuu burburey. Iyadoo sarkaalkii la beegsaday oo ka tirsan ciidamada Booliska uu dhaawac culus kasoo gaaray qaraxa.

Gaariga oo xilliga uu qarxay taagnaa kaalin shidaal. Ayaa sidoo kale dhaliyey dab qabsaday xarunta shidaalka, waxaana socda dadaal lagu daminayo dabkaasi,

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dab xoogan uu qabsaday Kaalinta Shidaalka ee qaraxu ka dhacay.

Xaaladda ayaa hadda kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Gaadiidka dab-damiska oo meesha ay wax ka dhaceen durba soo gaarey ayaa ku guuleystay daminta, wallow aanan ilaa iyo hadda lasoo warin khasaaro ka dhashay dabkaasi.

Ma jirto illaa iyo haatan koox dusha saaratay mas’uuliyadda falkan, wallow dhacdooyinka noocaan ah aalaaba looga bartay xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ee AlShabaab.

Inta badan saraakiisha xoogaga dowladda ayaa qarax loogu xiraa gaadiidkooda, waxaana laamaha amniga ay ku fashilmeen in ay ka dabatagaan goobta loogu soo rakibay

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More