#Qarax dhimasho sababay oo ka dhacay Degmada Hodon

258,946

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhimatay halka saddex kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii qarax uu ka dhacay Isgoyska BlackSea ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa la sheegayaa in uu ka dhacay laanta Sharikadda SOMTEL ku leedahay Isgoyska Blacksea waxaana ku dhintay labo qof.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay axadle in mid ka mid ah labada qof ee dhintay uu ahaa shaqaalaha sharikadda, halka qofka kalena rayid ahaa.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel ay ciidamada ku baaraan Gaadiidka aada dhinaca Cirtoogte,halkaas oo ku dhow dhismaha SOMTEL ee BlackSea.

Ciidamada ku sugnaa goobta iyo dadka degaanka ayaa qaaday saddexda qof ee ku dhaawacantay qaraxa ka dhacay Jidka Soddonka ee Magaalada Muqdisho.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas’uuliyadda dhacdadan. Mas’uuliyiinta xaruntaasi oo uu AT sku dayey in uu wax laga waydiiyey qaraxan kama jawaabin codsiga.

Balse mudooyinkii dambe shirkadaha isgaarsiinta iyo ganacsatada ayaa cadaadis dhaqaalo doon ah kala kulmayey kooxaha hubeysan ee kasoo horjeeda dowlada ee Daacish iyo Al-Shabaab.

Kooxahan yaa qeybo kamid ah caasimada ku khaarijiyey howlwadeeno ka tirsan qaar kamid ah shirkadaha dalabkooda diiday.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More