#Qaramada Midoobay oo war kasoo saartay halka laga soo tuuray hoobiyaashii lagu weeraray Xafiiskooda Muqdisho

1

- Advertisement -

Qaramada Midoobay ayaa faah faahin dheeri ah ka bixisay weerarkii hoobiyaasha ahaa ee todobaadkii hore lagu qaaday xarunta xalane oo ay degen yihiin hay’adaha ugu badan ee Qaramada Midoobay.

- Advertisement -

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan miino baarista ee Mine Action ayaa bixisay xogta dheeriga ah ee la xiriirta weerarka hoobiyaasha ah, waxaana ay sheegtay in nooca hoobiye ee la adeegsaday ay ahaayeen 81mm oo ah nooc lagu sameeyo dalka UK.

Warbixinta Mine Action ayaa lagu soo xusay todobo goobood oo ay ku dhaceen illaa sideed madaafiicda hoobiyeyaasha ahaa, kuwaasoo ahaa qoriga hoobiyaha ee 81mm, waxaa kaloo la soo bandhigay macluumaadka saalbooyinka ama rasaasta loo adeegsaday.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in hoobiyeyaasha lagu soo tuuray Xerada Xalane uu yahay kii lagu soo weeraray 1 July 2018.

Waxaa kaloo hay’adda ay sheegtay in xabadaha hoobiyaha ay u eg yihiin nooca M29 oo lagu farsameeyo dalka Mareykanka, kuwaasi oo sababay burburka iyo dhaawaca shaqaalo ka tirsan Qaramada Midoobay.

Kadib baaritaan lagu sameeyay haraadiga hoobiyaasha ku dhacay xarumaha CPO iyo UNMAS ee xalane ayaa lagu ogaaday nooca hoobiyaasha iyo halka laga soo tuuray hoobiyaashaasi.

Sidoo kale Hay’adda Mine Action ayaa sheegtay in hoobiyaasha laga soo tuuray degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kadib markii baaritaan dheeri ah ay sameeyeen.

Waxaa qoraalka Hay’adda lagu cadeeyay in meel 4.5 KM u jirta xalane kuna beegan degmada Kaxda laga soo tuuray hoobiyaasha kadib baaritaan dheeri ah oo ay sameeyeen.

Hase ahaatee waxaa la sheegay in weerarkan 1-da January uu ahaa mid ka duwan kuwaas, maadaama madaafiicda ay ku soo dhaceen sida xafiiska CPO iyo UNMAS, waxaa la sheegay in madaafiicdaas lagu tuhmayo Al-Shabaab oo aanay jirin koox kale oo lagu tuhmayo, waxaana Al-Shabaab ay sheegatay 15-daqiiqo kaddib weerarkaas.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More