#Qaramada Midoobay oo fariin u dirtay Madaxweynaha cusub ee Puntland

2

- Advertisement -

War saxafadeed kasoo baxay xafiiska Howlgalka Qaramada Midoobe ee Soomaaliya ee loosoo gaabiyo UNSOM ayaa  looga hadlay qaabka ay u dhacday Doorashadii Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa

- Advertisement -

Raysdoon Zenenga  Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya, ahna Sarkaalka sii wada shaqada Xafiiska Qaramada midoobay ee Taageeradda Hawlgalka Somalia ee UNSOM, ayaa Dhambaal Hambalyo ah u diray Madaxweynaha  Cuusb ee Maamulka Puntland, Saciid C/llaahi Deni iyo Ku-xigeenkiisa, Axmed Cilmi Karaash, kuwaasi oo ay Xildhibaanadda Barlamaanka Puntland shalay doorteen.

War-saxaafadeed uu soo saaray Raysdoon Zenenga  waxa kale oo uu  Guddiga Doorashadda Puntland  ku bogaadiyey qaabka ay u maamuleen Doorashaddaasi, oo ku dhacday  si daah-furan madax bannaan oo caddaalad leh.

“Ugu horeyn waxaan hambalyo leenahay Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka cusub ee Puntland, waxaan sidoo kale hambalyo leenahay guddiga doorashada ee soo qaban qaabiyay hanaanka doorashada maamulkaasi ay u qabsoontay, waxaan madaxda cusub leenahay sida danta dadka reer Puntland ku jirto ugu shaqeeya dadkiina” ayaa lagu yiri war saxaafadeedkaasi.

Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Somalia, ahna Sarkaalka sii wada shaqada Xafiiska QM ee Taageeradda Hawlgalka Somalia ee UNSOM, Raysdoon Zenenga  waxa uu Qoraalkisia ku sheegay inay UNSOM si dhow ula shaqeyn doonaan Maamulka Madaxweynaha Puntland, Saciid C/llaahi Deni.

Dhinaca kale, waxa uu sheegay inay bogaadinayaan Madaxweynaha xilka ka sii degayo  C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Maamulkiisa oo si nabad buuxda u wareejiyey Awoodda Maamulka Puntland, isla markaana abuuray xaallado  suurto-geliyey  inay Doorasho Guul leh ka dhacdo Puntland, oo lagu soo doortay Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo Ku-xigeenkiisa.

Waxaa isasoo taraya Masuuliyiinta kala duwan ee dhambaalada hambalyada u diraya madaxda cusub ee maamulka Puntland.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More