#Qalbi-dhagax oo reer Kismaayo ugu baaqay midnimo

7,531

Cabdikariin Sh.Muuse Qalbi Dhagax oo katirsan Jabhadda ONLF oo ku sugan Magaalada Kismaayo waxa uu kulamo la qaatay Mas’uuliyiin isugu jirtay Xildhibaanno, Senataro, mas’uuliyiin katirsan Maamulka Jubbaland, Madax dhaqameed iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Qalbi dhagax oo la hadlayay dadkaas waxa uu ka dalbaday in aysan Saameyn taban ku yeelan deegaanada Jubbaland Xaaladaha siyaasadeed ee Doorashada ka dhashay.

Isku haleynta shaqsiyadda ayuu sheegay in ay sababto dayacaadda dhanka amniga, balse looga gudbi karo in si wadajir ah la isku kaashado.

Qalbi dhagax ayaa hadalkiisa inta badan kaga hadlay dardaaran uu u jeedinayay dadka Jubbaland in ay ka wada shaqeeyaan danahooda guud.

Cabdikariin Sh.Muuse Qalbi Dhagax waxa uu socdaalkiisa Kismaayo kusoo beegmay xili Magaalada ay ka socdaan Ol-olaha Doorashada oo ay kala wadaan Musharixiinta isbadal doonka iyo madaxda waqtigooda dhamaaday balse dib u doorasho rajeynaya.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More