Qadar oo sheegtay in ay Soomaaliya ka taageerayso dhismaha

Wakiilka joogtada ah ee Qatar u fadhiya Xafiiska UN-ka ee Geneva Danjire Ali bin Khalfan Al Mansouri.

Dowladda Qatar ayaa sheegtay in ay dib u cusbooneysiisay taageeradeeda Soomaaliya si ay u bixiso taageerada lagama maarmaanka ah wadanka ayna gacan uga geysato dhismaha dowladnimada, hay’adaha iyo ku dhaqanka sharciga, kaas oo xaqiijinaya in Soomaalida ay helaan dhammaan xuquuqdooda iyadoo la tixgelinayo madaxbannaanida, midnimada umadeed iyo dhuleed ee Soomaaliya.

Wakiilka joogtada ah ee Qatar u fadhiya Xafiiska UN-ka ee Geneva Danjire Ali bin Khalfan Al Mansouri,ayaa hadalkaan ka sheegay fadhiga 45 aad ee Golaha Xuquuqda Aadanaha oo lagu casuumay Khuburo madaxbanaan oo Soomaaliyeed.

Wakiilka Qatar ayaa ka dhawaajiyay in ay taageerayaan kooxaha Xaaladda Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya, Dayncafinta, Madax-banaanida Soomaalida, fidinta awoodda dawladda iyada oo la aasaasayo hay’ado dowladeed iyo geeddi-socod siyaasadeed, hagaajinta amniga, iyo muujinta sida ay uga go’antahay xuquuqda aadanaha iyo horumarka bulshada iyo dhaqaalaha, iyo waliba rabitaankeeda ah in la sameeyo wadahadal wax ku ool ah oo wadashaqeyn leh hababka xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay iyo in loo gudbiyo warbixinno qaran oo Soomaaliya fasamo ahaan ka taageerayo dhowrista Xuquuda Aadanaha.

“Si loo ilaaliyo guulaha la gaaray, loona xoojiyo awoodaha si loo wajaho caqabadaha, oo ay ugu horeeyaan khataraha amniga, argagixisada, faafitaanka cudurka Covid-19, abaaraha, daadadka iyo cunno yarida. , dhammaan dhinacyada Soomaalida waxaa loogu baaqayaa in ay diidaan (ka fogaadaan) kala-duwanaanshaha ayna xoojiyaan dadaallada loogu talagalay xoojinta dib-u-heshiisiinta qaranka iyo horay u socodka geeddi-socodka siyaasadeed” ayuu yiri wakiilka Qadar u jooga Geneva.

“waxaan sidoo kale cusbooneysiiyay baaqii Dowladda Qadar ee Beesha Caalamka ee ahaa in ay siiso taageero dhaqaale iyo taageero farsamo si kor loogu qaado kobcinta awooda hey’adaha Soomaaliyeed ee daneeya xuquuqda aadanaha, si looga caawiyo in ay horumariyaan awoodooda iyo dadaalkooda ku aadan fulinta waajibaadkooda qaran iyo kuwa caalamiga ah. intaa waxaa sii dheer sii wadida bixinta gargaarka” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Wakiilka Joogtada ah ee Dowladda Qatar u fadhiya Xafiiska UN-ka ee Geneva wuxuu u mahadceliyay Khabiirka Madaxa Banaan ee Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya Caa’isha Dayfaan dadaalkeeda iyo dib u eegista ay ku sameysay warbixinteeda ku saabsan xaalada xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya, wuuna bogaadiyey gabagabada. iyo talooyin ku jira.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More