#Puntland oo Xukuntay shan dhalinyaro ah oo geystay kufsi wadareed

4

Maxkamada derejeda kowaad ee gobolka Nugaal ayaa dil ku xunkuntay, islamarkaana amar ku bixisay in xabsiga lagu sii hayo 5 nin oo dhalinyaro ah oo ku eedaysnaa in ay magaalada Galkacayo ka gaysteen kufsi wadareed 22kii bishii febraayo ee sanadkan.

Maxamed Xareed Faarax oo ah ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland ayaa sheegay in 5ta nin maxkamadu ku xukuntay dil toogasho ah iyadoo loo cuskaday Suuratu Maa’ida Aayadda 33aad, xeerka kusiga iyo xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.

wuxuu sheegay in 4 ka mid ah dhalinyarada laga soo qabtay magaalada Qardho, halka midka 5aad laga soo qabtay Galkacayo. Waxaa uu intaa ku daray ay dhalinyaradu qiraal ku yihiin dambiga ay galeen

Dhalinyarada ku eedaysan Kufsiga ayaa kala ah

  1. Cabdirisaaq Xamed Cilmi, da’diisu tahay 18 jir
  2. Cabdirisaaq Cali Cabi, da’diisu tahay 18 jir
  3. Yusuf Cabdullaahi Xirsi, da’diisu tahay 18 jir
  4. Ugaas Mire Barre, da’diisu tahay 19 jir
  5. Cismaan Maxamed Cabdulaahi, da’diisu tahay 18 jir.

Kiiska maxkamada gobolka Nugaal xukuntay lama xiriiro kufsi wadareedkii ka dhacay Magaalada Galkacayo toddobaadkii hore kaasi oo dil iyo kufsi loogu gaystay gabar 12 jir ah oo lagu magacaabi jiray Caasho Ilyaas Aadan. Falkaas oo la sheegayo inay ka dambeeyeen ilaa 7 ruux waxaa ka dhashay banaanbaxyo ballaaran oo shacabku dalbanayeen in cadaalada la horkeeno ragii dilka iyo kufsiga gaystay.

[pdf-embedder url=”https://www.axadletimes.com/wp-content/uploads/2019/03/xuku.pdf”]

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More