#Puntland oo xabsiga dhigtay Guddoomiyihii Gobolka Sool

2

- Advertisement -

Wararka naga soo gaaraya Magalada Garoowe ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Amaanka Maamulka Puntland ay xabsiga u taxaaben Xabsi ku Guddoomiyihii hore ee Gobolka Sool Puntland Abukar Cabdi Geelle.

- Advertisement -

Xariga Guddoomiyihii hore ee Gobolka Sool Maamulka Puntland ayaa xarigiisa lala xiriirinayaa eedeymo uu u jeediyay higaamiyaha waqtigiisa dhamaaday ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas.

Sidoo kale xariga Guddoomiyihii Gobolka Sool ayaa loo aaneenayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook taasoo uu ku eedeyay Hogaamiyaha Puntland C/wali Gaas.

Abuukar Cabdi Geelle ayaa dhowaan shaaciyay inuu iska casiley xilka uu u hayay maamulka Puntland ee Guddoomiyaha Gobolka Sool, asagoo aan sheegin sababaha uu isku casilay.

Maamulka Puntland wax faah faahin ah kama bixin xariga Guddoomiyihii Gobolka Sool ee Maamulkaas,waxana uu xarigan ku soo beegmayaa xilli  doorashada Madaxtinimada maamulka Puntland ay maalmo kooban ay ka harsan tahay.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More