Puntland oo soo gaba-gabeysay kiiska qaraxii lagu dilay

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida ee DG Puntland Maxamuud Cabdi Maxamed ayaa sheegay in lasoo gaba-gabeeyay kiis dacweedka qaraxii lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Cabdisalaam Xasan Xirsi Gu’jir.

Qaraxa lagu dilay Guddoomiye Cabdisalaan ayaa dhacay 29-kii Maarso 2020, waxaana loo xiray dad siyaabo kala duwan ugu eedeysan ku lug lahaanta falkaas sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada DG Puntland.

Waxa uu sheegay in qoraal dhameystiran laga soo saari doono kiis dacweedka oo dhan, balse uu xaqiijinayo in uu dhankooda kasoo idlaaday xog baarista, marqaati raadin, isu duwidda kiiskaan iyo u gudbinta hay’adaha dastuur ahaan leh howshaan.

“Waxa aan heynaa sida uu u dhacay kiiskaan oo aan mugdi ku jirin, Cidda ka qayb-qaadatay, qaabka loo fuliyay iyo dhammaan fal dambiyeedkaas sida uu dhacay ayaan heynaa oo aan soo bandhigeyno dadka aan u qab-qabanay ee u xiran” Sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida Puntland.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Maamulka Puntland Maxamuud Cabdi Maxamed waxa uu digniin u diray shaqsiyaad uu sheegay in ay ku magac sheegtaan Ciidanka qaybihiisa kala duwan gaar ahaan kuwa hubka qaata.

Digniin ayuu u diray Askarta iyo shaqsiyaadka hubka ku dhex qaata Gudaha Magaaloooyinka Dowlad Goboleedka Puntland, isaga oo amray Ciidanka Ammaanka ee waajibaadka ka saaran la socodka amniga in ay soo xiraan una gudbiyaan maxkamadaha shaqada ku leh si loo ciqaabo.

“Ciidanka Puntland waala diiwaangeliyay, Askari waliba waxaa lagu ogyahay xeryaha & Xarumaha ay katirsan yihiin ilaa heer unug ilaa heer Guuto, qofkii qori ku dhex heysta shacabka waa dambiile, Askarigii magaalada soo aadayo waa in uu dharka ciidanka iska soo dhigaa iyo hubka, haddii lagu arko isaga oo qori la wareegaya waala xiraa, waana dambiile” Ayuu markale yiri Guddoomiye Maxamuud Cabdi Maxamed.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida Puntland Maxamuud Cabdi Maxamed ayaa hadalkaan ku sheegay Wareysi uu siiyay Teleefishinka ku hadla Afka Dowlad Goboleedkaas.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More