#NISA oo sheegtay in Howgal qorsheesan ay ku qabteen Xubno ka tirsan Al shabaab

2

- Advertisement -

War ka soo baxay Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada Amniga oo howlgal qorsheysan ay ku soo qabteen  sarkaal ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

- Advertisement -

Qoraalka kooban oo lagu daabacay Barta Twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in Ciidanka amniga ay habeenimadii 5ta Janaayo ee sanadkan, howlgal qorshaysan ku qaadeen saldhig ay Alshabab ku leeyihiin deegaanka Dugule oo u dhow degmada toora toorow ay gacanta ku dhigeen Xubno dadka xoolo baad ah ka qaadi jiray sida ay warka u dhigeen.

“Ciidanka amniga ayaa habeynimadii 5ta Janaayo ee sanadkan, howlgal qorshaysan ku qaaday saldhig ay Alshabab ku leeyihiin deegaanka Dugule. Saldhigooda waa la burburiyay, howlwadeen dadka xoolo baad ah ka qaadi jirayna gacanta ayaa lagu soo dhigay ayuu agi yiri War kasoo baxay NISA.

NISA mashaacin Magaca Shaqsiga ay sheegeen inay soo qabteen,hayeeshee Maalmihii la soo dhaafay ayaa Taliska Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya waxa ay shaacinayeen inay fuliyeen howlgallo lagu soo qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More